Wasiirka Arrimaha Dibbada Kenya Monica Juma ayaa soo dhoweysay kulankii ay ku yeesheen magaalada New York Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, kaasoo ay labada isfagarad ku gaareen labada Madaxweyne.

Kulankan oo uu soo qaban qaabiyay Madaxweynaha Masar ayaa waxay Madaxda Kenya iyo Soomaaliya ku gaareen is afgarad sidii xiriirkii labada dal si caadi loogu soo celin lahaa.

“Kenya waxa ay soo dhoweyneysaa kulanka labada madaxweyne oo ah tallaabo jihada wanaagsan loo qaaday”ayay tiri Monica Juma oo qoraal soo dhigtay barteeda Twitter-ka

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in Kenya ay mar walba aaminsan tahay wada hadalada ay yihiin habka ugu wanaagsan ee lagu xalin karo mushkilada ka jirta Afrika.

“Kenya waxa ay marwalba aaminsan tahay in wadahadalada ay yihiin habka ugu wanaagsan ee lagu xalin karo mashaakilada ka jira Afrika”ayay mar kale tiri Monica Juma.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa goor sii horeysay sheegtay in wada hadalada aanay qeyb ka aheyn arrinta dacwada Badda, hase ahaatee waxaa shaki ka taagan yahay galaangalka Kenya ay markii hore ugu jirtay wada hadal ay la bilowdo Soomaaliya oo ahaa qorshaheeda koowaad, si ay ugu ekeysiiso labada dhinac ay qaab wada hadal oo aan aheyn tan Maxkamadda ay ka gaareen muranka Badda, taasoo mar walba ay dowladda Soomaaliya diidaneyd.