Kooxda Daacish ama IS ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax miino oo saaka lagula beegsaday gudaha magaalada Boosaaso Wasiirkii hore ee Qorsheynta Maamulka Puntland Shire Xaaji Faarax.

Hase yeeshee qaraxan ayaa ka badbaaday Shire Xaaji Faarax qaraxan oo ka dhacay bartamaha magaalada Boosaaso.

Qoraal ay daabacday warbaahinta Daacish ee Amaq News Agency ayaa lagu sheegay in ciidamada Khilaafadu ay qarax miino u dhigeen wasiir hore Shire Xaaji Faarax xilli uu marayey nawaaxiga hoteel Shabeelle ee magaalada Boosaaso.

Sidoo kale Daacish ayaa sheegtay in qaraxa uu ahaa miino dhulka lagu sii aasay ayna ku dhaawacmeen labo kamid ah ilaalada wasiirkii hore balse isagu ka badbaaday.

Hase yeeshee Maamulka Puntland ayaa sheegay in weerarkan qaraxa uu ku dhaawacmay hal askari oo ka mid ah ilaaladii la socotay gaariga Shire Xaaji Faarax.