Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay Nin dhalinyaro ahaa oo saaka lagu dilay inta u dhexeysa Isgoysyada Siinaay iyo Darjiinka ee magaalada Muqdisho, iyadoo Kooxihii dilka geystayna ay goobta ka baxsadeen.

Sida wararku sheegayaan waxaa la toogtay nin watay Mooto Fekon oo xiligaasi ku sii jeeday dhinaca Darjiinka, iyadoo lagu hor gooyay Mooto kale kadibna rasaas lagu boobay, sidaas waxaa soo sheegay dadka deegaanka.

Ninka la dilay oo ahaa Injineer ka shaqeeya Korontada, kaasoo si weyn looga ayqaanay qeybo badan oo ka mid ah degmada Boondheere, waxeyna dadka is-weydiinayaan sababta loo dilay ninkan Shacabka ahaa.

Ciidamada ammaanka ee degmada Boondheere ayaa durba tagay halka toogashada ay ka dhacday, iyagoo halkaasi ka sameeyay howlgalo, inkastoo aanay u suura gelin inay gacanta ku dhigaan Kooxihii dilka ka dambeeyay.