Faah faahin ayaa ka soo baxaya dilal kala duwan oo xalay labo Nabadoon loogu geystay magaalooyinka Kismaayo iyo Afgooye, iyadoo dilalkan ay geysteen kooxo hubeysan.

Kooxo hubeysan ayaa gelinkii dambe ee shalay waxay ku dileen xaafada 21 October ee degmada Afgooye Nabadoon Ibraahim Maxamed Ibraahim oo loo yaqaano Labane.

Nabadoonkan ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa ergadii soo dooratay Xildhibaanada Koofur Galbeed, waxaana lagu dilay meel ku dhow bar koontarool oo ciidanka amniga lahaayeen, iyadoo kooxdii dilka geystay ay baxsadeen.

Dhinaca kale Kooxo hubeysan ayaa xalay Kismaayo ku dilay Xaaji Saciid Ciise (Saciid Addoon) oo ahaa Ganacasade iyo mid ka mid ah salaadiinta magaalada ee aad looga yaqaano.

Wararka ayaa sheegaya in lagu dilay Xaafada Calanley, iyadoo goobta ka baxsadeen kooxdii dilka geysatay.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa sheegay inuu socdo howlgal lagu baadigoobayo kooxihii ka dambeeyay, waxaana ciidamada amniga xalay ka sameeyeen xaafadaha qaar howlgallo baaritaano, inkastoo aanay suura gelin in gacanta lagu soo dhigo nabadoonka la dilay.