Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku dilay taliye kuxigeenka Ilaalada Waddooyinka Gobolka Mudug oo lagu magacaabi jiray Maxamed Faarax.

Dilkan ayaa ka dhacay xaafada Garsoor, iyadoo Taliye kuxigeenka la dilay xilli uu ka soo baxay masaajid uu salaaddii cishaha ku dukaday, waxaana ragga hubeysan ee dilka geystay la sheegay inay bannaanka ku sugayeen.

Wararka ayaa sheegaya in ragga dilka geystay ay goobta ka baxsadeen, waxaana ciidamada ammaanka ay xaafadaha waqooyiga Gaalkacyo ka wadeen howlgallo lagu baadigoobayay kooxdii dilka ka dambeysay.

Waqooyiga Gaalkacyo oo ah qeybta ay maamusho Puntland ayaa horay waxaa uga dhacay dilal kala duwan oo loo geystay saraakiisha ciidamada iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka.