Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ayaa xilligan kulan albaabada u xiran uga socdaan magaalada Nairobi.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay uga hadlayaan xaalado kala duwan oo ku aadan xiriirka labada dal oo muddooyinkii u dambeeyay sii xumaanayay.

Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa in goor dhow ay qabtaan shir jaraa’id oo Wadajir ah oo ay uga hadlayaan wada hadaladooda.

Wariyeyaasha ayaa ku sugan halka uu shirka ka socdo, oo sugaya shirka jaraa’id ee Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya.

La soco wixii warar ee ku soo kordha