Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee Koonfurgalbeed Soomaaliya ayaa maanta shir ku yeeshey magaalada Baydhabo iyagoo ku cambaareeyey talaabadii Dowlada Federalka kula dhaqmey Madaxweynihii hore Shiikh Sharif Shiikh Axmed oo ay ku tilmaameen oday Soomaaliyeed oo nabadoon ah aadna u dulqaad badan.

“Waa nasiib darro aad u weyn Madaxweyne Farmajo inuu ka xishoon waayo ninkii Mareykanka ka keeney oo Raisul Wasaare ka dhigey waxay cadeyn u tahay inuu dalkaan rabo inuu ku hogaamiyo wixii shaley ay Somali isku dagaashey lagamana yeelaayo taasi ” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ku kulmay Baydhabo.

Sidoo kale Odayaasha ayaa sheegey inay raali gelintii uu Madaxweyne Sharif u sameeyey shacabka Koonfur Galbeed ay ka aqbaleen ugana mahad celinayaan.
Waxaa soo kordhaya taageero loo muujinayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed kadib markii dhowaan loo diiday inuu u safro magaalada Kismaayo.