Kulan loogaga hadlayay sidii loo horumarin lahaa horumarinta ganacsiga gaar ahaan sidii maalgalin loogu sameyn lahaa ganacsatada yaryar ayaa maanta lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabelle.

Kulankan oo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin ka socota maamulka Hirshabelle, maamulka gobolka Sh/dhexe,degmada Jowhar iyo ganacsato.

Guddoomiyaha degmada Jowhar Cismaan Maxamed Muqtaar oo ka hadlay kulankan ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan horumarka ganacsiga waxana uu xusay in maamulka degmada uu diyaar u yahay in uu u fududeeyo ganacsatada sidii ay u abuuran lahaayeen mashaariic ganacsi.

Kusimaha guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Maxamed Cabdi Sheekh oo kulankan ka hadlay ayaa soo dhoweeyay qorshaha ay wasaarada ganacsiga Hirshabelle iyo maalgaliyaasha ay ku doonayaan horumarinta ganacsiga gobolka.

Guddoomiyaha guddi hoosaadka ganacsiga baarlamaanka Hirshabelle xildhibaan Maxamuud Siyaad Barqadle oo kulankan ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in maalgashi weyn ay ku sameeyeen guud ahaan Hirshabelle ganacsatada maadaama labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan ay yihiin gobolo qani ku ah dhinacyada beeraha, xoolaha,kalluumeysiga iyo warshadahaba.

Ugu dambeyntii Wasiir u dowlaha ganacsiga Maamulka Hirshabelle Xildhibaan Cali Cismaan Ibraahim ayaa kulankan ka hadlay waxana uu ugaga mahadceliyay ganacsatada ka soo qeybgalka kulanka iyo sida ay ugu dadaalaan iyadoo duruuf adag dalka uu ku jiro inay bulshadooda u adeegaan.

Kulankan ayaa waxaa ka qeybgalay wakiilo ka socday hay’adaha UNDP, Un Hapitat iyo IMO waxaana la qorsheynayaa sidii maalgelin loogu sameyn lahaa ganacsatada yar yar gaar ahaan dadka ku jira xeryaha barakacayaasha.