Kumanaan qoys oo ku noolaa deegaano ku yaal hareeraha wabiga Shabelle ee degmada Balcad ayaa ka barakacay guryahooda kadib markii ay uu ku fatahay wabiga Shabelle.

Deegaanada uu ku fatahayo wabiga Shabelle ayaa sii kordhaya iyadoo hore illaa 80 tuulo oo ku kala yaal degmooyinka Jowhar iyo Mahaday ay qoysaskii ku noolaa ugaga barakaceen fatahaada wabiga Shabelle.

Fatahaadan laga soo sheegayo deegaano ku yaal degmada Balcad ayaa waxa ay gaareen dhul aan hore fatahaad uga dhicin.

“Biyihii ka soo fatahay deegaanka Huriwaa ee degmada Mahaday ayaa soo gaaray deegaano hoos taga degmada Balcad wabigana wuu ku fatahay.”ayuu yiri mid ka mid ah shacabka ka barakacay deegaanka

Deegaanada ka tirsan degmada Balcad eeuu wabiga ka fatahay ayaa waxaa kamid ah Farbarako, Jameeco, Damaleey, Faaydhuxul, Yaqlow, Zeydiir,Koorebe,Muka-dheere, Barwaaqo,War-gaabo iyo Tuuloyin kale,waxaana fatahaadaha ay baabi’iyeen dalagyadii ku beernaa beeraha ku yaalla tuulooyinkaas.

Qaar ka mid ah dadkii ka barakacay fatahaadaha Wabiga Shabeelle ayaa waxaa ay soo gaareen degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ma jiro illaa iyo hadda wax gargaar ah oo ay heleen dadkan ku barakacay fatahaadaha wabiga Shabelle iyadoo sidoo kale hore ay ugu barakaceen kumanaan qoys deegaano ku yaal bariga degmada Jowhar.