Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa maanta magaalada Garowe tababar uga furay laamaha garsoorka, laamaha Booliiska, xafiiska difaaca xuquuqda Aadanaha iyo qareenada madaxa bannaan.

Tababarkan ayaa casharada la qaadanayo waxaa ka mid ah hab cusub oo ay dowladda federalku u bixin doonto warqada dhaawac muujinta ee Rifeertada .

Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay warqada dhaawac muujinta ee hadda laga bixiyo xarumaha booliiska inay saameyn weyn ku leedahay mustaqbalka qofka nolashiisa, iyadoo mar walba ay ku xiran tahay sugnaanshaha habka loo bixinayo.

Dr. Axmed Cali Daahir waxa uu sheegay in dambiyo badan oo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha lagu geystay qaab qaldan oo loo adeegsaday Rifeetooyinka, iyadoo ay masuul ka yihiin xarumaha laga bixiyo.

Waxa uu sheegay ka dib tababarkaan in uu rajaynayo in uu wax badan ka badalo aqoonta iyo Xirfadaha Garsoorayaasha, Booliiska, xafiiska difaaca xuquuqda Aadanaha iyo qareenada madaxa bannaan sida uu hadalka u dhigay.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay in dowladda federalka sannadka ugu horeeya ay dhammaan xarumaha booliiska Soomaaliya gaarsiindoonto Rifeertooyin aan waxba laga badeli karin, la koobiyayn karin islamarkaana numberaysan oo lagu qoridoono xogta dhibbanaha.

Waxa uu sheegay in looga baahanyahey Laamaha Garsoorka Puntland in ay noqdaan kuwo aamin ah isla markaana ka madax banaan qabyaalada,eex iyo nin jeclaysi oo uu sheegay in ay tahey waxa dumiyay garsoorka dalka.