Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa weli ka soo jawaabin Safiirkii dowladda Soomaaliya u magacawday dalkaas muddo shan bil ka hor.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa Jowhar.com u xaqiijiyay in tallaabada Sacuudiga ku aqbalin Safiirka Soomaaliya u magacwday dalkaas ay ka dhigan tahay mid diidmo ah, marka loo eego luqadda Diblomaasiyadda.

Diblomaasiyiin kala duwan oo ka soo shaqeeyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo dalbaday in aan magacooda la sheegin ayaa u sheegay Jowhar.com in ka soo jawaabid la’aanta Aqoonsiga Safiirnimo ay u egtahay mid diidmo haddii ay dhaafto mudadii loogu tala galay in looga soo jawaabo oo ku siman 90 cisho gudahood

C/xakiin Xasan Ashkir ayaa lagu magacaabay digreeto Madaxweyne oo soo baxday bishii May ee sanadkan, waxaana dowladda Soomaaliya ku guuldareysatay isku dayo ay dooneysay in lagu aqbalo Safiirka cusub, waxaana arrintaas darteed Sacuudiga safaro ugu tagay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo todobaadkii hore Sacuudiga tagay.

Xiriirka Sacuudiga iyo dowladda Soomaaliya ayaa hoos u dhac ku yimid, wixii ka dambeeyay markii uu qarxay khilaafka dalalka Khaliijka, waxaana Isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga xiriirka u jareen dalka Qatar, inkastoo Soomaaliya ay mowqif dhex dhexaadnimo ka qaadatay khilaafka Khaliijka, hadana waxaa loo arkaa inay dhanka Qatar u janjeerto.