Maamulka Gobolka Banaadir ayaa heegan geliyay waxyaaha kala duwan ee gurmadka degdega, iyadoo la diyaariyay gaadiidka gurmadka degdega sida kuwa dab damiska, ambalaaska, booyadaha biyaha dhuuqa iyo kuwo kale waxaana diyaar garow loo galay maareynta iyo wax ka qabashada dhibaatooyin laga cabsi qabo inuu sababo roobab dabeylo wato oo la saadaaliyay inay dhowaan ka da’aan Muqdisho iyo Gobolada dalka, iyadoo dowladda Federaalka digniin ka soo saartay roobab dabeylo wato oo ka da’a xeebaha Soomaaliya iyo deegaanada dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeer uu ugu kuur galayay xaalada Caasimadda ku maray qeybo badan oo ka mid ah waddooyinka Muqdisho, iyadoo ay kormeerkaasi ku wehlinayeen gaadiidka kala duwan ee loo diyaariyay arrimaha la xariira maareynta musiibooyinka.

Kormeerkaasi kadib waxa uu Guddoomiye Cumar Filish booqday xarunta gaadiidka dowladda hoose ee Xamar, waxaana booqashadaas ku wehlinayay Guddoomiye kuxigeenada maamulka gobolka Banaadir.

Waxaa uu Guddoomiyaha warbixin ku quseeya xaaladaha gurmadka degdega Agaasimayaasha Gaadiidka iyo dab damiska.

Guddoomiye kuxigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Aadan Sheekh Cali Fiidow ayaa ka mid ahaa masuuliyiinti goobta ka hadlay.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa sheegay in dowladda hoose Xamar diyaar u tahay in ay bulshada ugu qidmeyso si hufan.