Wasiirka arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Xasan Cali Caadle ayaa magacaabay Guddoomiyaha cusub ee degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle lana ogeysiiyay madaxda Hirshabeelle iyo kuwa Gobolka Hiiraan ayaa lagu magacaabay Faysal Xaajir Adan in uu noqdo Guddoomiyaha Degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan.

Maamulka Hirshabelle ayaa hore xilka uga qaaday guddoomiyihii hore ee degmada Buulo Burte Cabdicasiis Duurow kadib markii uu khilaaf ka dhashay dhismaha golaha deegaanka degmada Buulo Burte.