Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo, ayaa soo saaray amar uu sheegayo in lagu mamnuucayo shirarka Siyaasadeed ee lagu qabto deegaanada uu ka arrimiyo Koofur Galbeed ee kala ah Baay,Bakool iyo Sh.Hoose.

Guddoomiyayaasha gobolada iyo kuwa degmooyinka maamulka Koofur Galbeed ayuu faray iney si dhow ula socdaan dhaq dhaqaaqyada ka jira meelaha ay joogaan, cidii ay u arkaan iney amarkan jabineysana ay laamaha amaanka ku wareejiyaan.

“Wasaarad arrimaha gudaha ahaan, shirarka Siyaasadeysan ee dowladnimada lagu dhibaateynayo ma ogolaan doono shirarkaasoo lagu carqaladeynayo dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana soo dhaweyneynaa shir kasta oo dowladnimada ku saabsan” ayuu yiri Maxamed Abuukar.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi, ayaa dhinaca kale sheegay iney sharciga horgeyn doonaan dad uu sheegay iney fasax la’aan iska qabsadeen shir Siyaasadeed, inkastoo uusan si gaar ah u xusin dadkan.

25-kii bishan magaalada Baydhabo waxaa lagu qabtay kulan ay isugu yimaadeen Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Koonfurgalbeed, iyagoo ku cambaareeyey talaabadii Dowlada Federalka kula dhaqantay Madaxweynihii hore Shiikh Sharif Shiikh Axmed oo ay ku tilmaameen oday Soomaaliyeed oo nabadoon ah aadna u dulqaad badan.

Ciidamada ammaanka ayaa xabsiga u taxaabay labo ruux oo ku jiro wariye, kuwaasoo ka qeyb galay kulan looga soo horjeeday xayiraadii Sheekh Shariif.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa ka carooday in xarunta gobolka Baay lagu qabto shir lagu dhaliilayo talaabada ay qaaday Xukuumada Soomaaliya, waana taa mida keentay in amarkan deg dega ah la soo saaro.