Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta lagu xiray Muuse Cali Jaamac oo kamid ah siyaasiyiinta Puntland kadib markii uu dhaliilay xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Deni.

Siyaasigan ayaa habeen hore magaalada Boosaaso uga qeybgalay shir ay yeesheen qaar kamid ah odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta gobolka Bari kaasi oo laga soo saaray war-murtiyeed qodobaysan oo si adag loogu dhaliilay hannaanka ay wax u hoggaaminayso xukuumadda Puntland ee talada haysa.

Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in saaka uu u yeeray Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan siyaasiga balse isagoo aan weli xafiiska wasiirka gaarin ayaa waxa jidka ka qabtay ciidanka Booliiska magaalada Boosaaso.