Maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa beeniyay warar sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay la wareegeen deegaano u dhexeeya Jowhar iyo Balcad

Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Siyaasada maamulka gobolka Sh/dhexe Maxamed Cabdi Sheekh ayaa u sheegay weriye ka tirsan jowhar.com in wararka sheegaya in Alshabaab ay fariisimo ay baneeyeen ciidamada dowlada la wareegeen ay tahay mid been ah oo wax kama jiraan ah.

“Wararka lagu daabacay shabakadaha waa kuwo been ah oo aan waxba ka jirin,waxaana u sheegayaa saxafiyiinta in wararka ay qorayaan iska hubsadaan,wadada u dhexeysa Jowhar iyo Balcadna waxaa ku sugan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.”ayuu yiri Maxamed Cabdi Sheekh gudoomiye ku xigeenka arrimaha siyaasada gobolka Sh/dhexe.

Hase yeeshee guddoomiye ku xigenka gobolka Sh/dhexe ayaa sheegay in fariisimo cusub ay ciidamadu ka sameysteen deegaanka Raaxow si loo sii xoojiyo sugida amniga.

Ciidamada dowlada federalka ayaa fariisimo hore ugu lahaa deegaano u dhexeeyo magaalada Jowhar iyo Balcad iyadoo ciidamadu ay ka sameeyaan roondooyin.

Sidoo kale taliyaha guutada 3aad ee qeybta 27aad ee xoogga dalka General Ibraahim Yuusuf ayaa sheegay in ay ciidamada xoogga dalka ay ku sugan yihiin saldhigga Ceelka Geelow.

Qaar ka mid ah warbaahinta gudaha ayaa qoray maanta in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay la wareegeen deegaanka Ceelka Geelow oo u dhexeeya deegaanada Qalimow iyo Gololey.