Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Macharia Kamau in wafdigii ka socday dalkeeda ee dhawaan tegay Magaalada Kismayo, kana qeybgalay caleemasarka madaxweynaha Jubaland ay oggolaansho ka heysteen dowladda Soomaaliya.

Macharia ayaa ku celceliyay in dowladda Soomaaliya ay sii ogeyd wafdigii ka qeybgalay caleemasaarka madaxweynaha Jubaland, oo aysan jirin wax xad-gudub ah oo Kenya ay ku sameysay Soomaaliya.

”Kenyaan-ka jooga Soomaaliya oo ay ka mid yihiin kuwii dhawaan halkaas u tegay sidii ay ugu dabbaaldegi lahaayeen guusha doorashadii xorta iyo xalaalsha ahayd ee sida nabdoon uga qabsoontay Jubaland, waxay halkaas ku joogeen aqoonsi iyo oggolaansho ay ka heysteen dowladda Soomaaliya, qasab kuma aysan tegin halkaas, dowladda Soomaaliya si buuxda ayay uga warheysay”, ayuu yiri xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, Macharia oo la hadlayay BBC-da.

Hadalka dowladda Kenya ee ah in doorashadii dhawaan ka dhacday Jubaland ay ahayd mid xor iyo xalaal ah, si nabad ahna ku qabsoontay ayaa ka hor imanaya warqad ay dowladda federaalka Soomaaliya soo saarta kadib doorashadii Jubaland, warqadaas oo ay ku sheegtay in aysan aqoonsaneyn doorashooyinkii ka dhacay magaalada Kismayo.

Macharia ayaa sheegay in diyaaraddii dhawaan ka degtay Magaalada Kismayo ee ka duusha dalka Kenya aysan ahayn mid laga leeyahay Kenya, oo ay tahay diyaarad Soomaaliya laga leeyahay, diyaaradaas oo Jubaland ay sheegtay in ay soo iibsatay.

”Diyaaradaas la sheegay in ay tahay diyaarad laga leeyahay dalka kenya, ma ahayn sidaas oo waxay ahayd diyaarad yar oo ay Soomaali leedahay, mana jirto in diyaaradaas ay ka diiwaan gashan tahay dalka Kenya”, ayuu yiri Macharia.

Macharia Kamau ayaa sidoo kale sheegay in aysan wax dhib ah ku qabin shacabka Soomaaliya, balse maamulka hadda jira uu yahay waxa ay is hayaan.