Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in shirar maalmihii la soo dhaafay u socday Madasha ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah Xisbiyadda waa weyn ee Siyaasadda aanay weli isku raacin cida noqoneysa Hoggaanka Madasha Xisbiyada Siyaasadda ee dalka.

Madashan oo lagu dhawaaqay 1-dii bishan October ayaa loogu magac daray Madasha Xisbiyada Qaran, iyadoo kaliya Afhayeen doortay, hase ahaatee cida Guddoomiye loo dooranayo ayaa su’aal ka taagneyd, maadaama ay ku jiraan Madaxweynayaal hore iyo Siyaasiyiin caan ah.

Waxaa jiray aragtiyo kala duwan oo ay soo jeediyeen qaar ka mid ah Xisbiyada UPD, Kulan, Ilays, Horusocod iyo Xisbiga Nabadda oo ahaa in Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran loo doorto Madaxweynihii hore ee dowladdi KMG aheyd Shariif Sheekh Axmed.

Hase ahaatee waxaa la sheegayaa in Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame uu talo ahaan ku soo jeediyay in Madasha ay yeelato Xiriirye kaliya, haddii la rabo in Hoggaan la yeesho wax cad lagu heshiiyo, lana helo midnimo dhab ah.

Sidoo kale waxaa jiray kulamo Madaxweynayaashii hore sida Xasan Sheekh la qaatay C/raxmaan C/shakuur iyo Sheekh Shariif iyo C/qaadir Cosoble oo wada socda iyana la qaateen C/raxmaan C/shakuur, si ay ugu qanciyaan inuu aqbalo in Madasha Hoggaan, yeelato, balse uu ku adkeystay in Madasha yeelato Xiriiriye, isagoo soo jeediyay ah in marka la helo heshiis la isku raacsan yahay oo mowqif cad looga qaato dowladda Federaalka, haddii la rabo in loo wajaho mucaarado dhab ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in arrinta mugdiga keentay ay tahay in markii ay soo baxeen warar sheegaya in qaar ka mid ah Xisbiyada Siyaasadda ay wada hadal u socdaan dowladda Federaalka, waxaana siyaasiyiin qaar ku tilmaameen in ujeedada arrintaas laga leeyahay ay tahay in shaki la dhex dhigo isbaheysiga Xisbiyada Mucaaradka.

Xildhibaan C/fataax Daahir Ismaaciil oo ka tirsan Xisbiga UPD ayaa qoraal uu bartiisa Facebook ku soo qoray waxaa uu ku sheegay in Xubno muhiim ah oo ka tirsan Xisbiga UPD ay kulan qarsoodi ah la yeesheen Fahad Yaasiin oo ah Agaasimaha NISA, loona soo jeediyay in Xukuumadda lala wadaago, lagalana shaqeeyo in waqti loogu daro Madaxweyne Farmaajo, sida uu yiri Mr C/fataax.

Dadka odorasa arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya in arrimahan soo kordhay iyo dadaalka dowladda ugu jirto inay ka kalluumeysato Xisbiyada qaar inuu dhaawici karo Midowga Isbaheysiga Xisbiyada Mucaaradka iyo inay hal dhinac dowladda uga soo jeestaan.