Waxaa xilligan magaalada Muqdisho shir uga socda madaxda Madasha Xisbiyada Qaran, iyadoo shirkan looga dhawaaqi doono hoggaanka rasmiga ah ee ay Madasha yeelaneyso.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynayaashii hore, Madaxda qaar ka mid ah Xisbiyada iyo Xildhibaano ka tirsan Mucaaradka.

Wararka ayaa sheegaya in shir jaraa’id oo goor dhow la qaban doono lagu dhawaaqi doono hoggaanka Madasha oo uu Guddoomiye u noqon doono Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, halka Kuxigeeno ay ka noqonayaan Prof. Maxamed Cabdi Gaandi iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan

Madasha Xisbiyada Siyaasadda Qaran ayaa waxaa ka baxay Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo C/raxmaan C/shakuur, isagoo diiday in Madashu ay yeelato hoggaan, taas bedelkeed uu talo ahana ku soo jeediyay in Xiriiriye ay yeelato.

Dhinaca kale Afhayeenkii kol hore loo magacaabay Madasha Xisbiyada Qaran C/latiif Sanyare ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay Afhayeenimada, waxaana Mr C/latiif ka mid yahay Xubnaha Xisbiga Wadajir.