Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kula kulmay maanta magaalada Muqdisho ergeyga gaarka ah Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Kulankaan ayaa looga hadlay dadargalinta iyo ka faaideysiga mashaariicyada horumarineed ee UNka gaar ahaan mashaariicda Dib-u-heshiisiinta, dhismaha golayaasha deegaanada iyo hirgalinta Mashaariicda Saameynta Degg-Daga (Quick impact projects),Horumarinta Deegaanada iyo Xoojinta Dowladnimada Deegaanada iyo Degmooyinka HirShabeelle.
Sidoo kale kulankan ayaa diirada lagu saaray sidii hay’adaha Unicef iyo FAO ay u dardargelin lahaayeen mashaariicda horumarinta biyaha iyo weliba ka hortagga fatahaada wabiga Shabelle.

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay sidii looga caawin lahaa maamul goboleedka Hirshabelle horumarinta deegaanada.

kulankan ayaa waxaa uu ka mid yahay kulamo uu magaalada Muqdisho kula yeelanayay maalmihii la soo dhaafay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare wakiilada qaar kamid ah dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.