Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa saaka magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay Guddoomiyaha Xisbiga ONLF C/raxmaan Maadeey iyo xubno la socday.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ugu hambalyeeyay doorashada Guddoomiyaha cusub ee Xisbiga ONLF C/raxmaan Maadeey oo dhowaan lagu doortay magaalada Godey.

Labada dhinac ayaa yeeshay is xogwareysi dhanka siyaasadda geeska Afrika iyo isku wadida bulshada dal iyo dibadba, waxaana uu ku soo dhamaadey is afgarad buuxa iyo sidii loo ilaalin lahaa isku duubnida ummada Soomaaliyeed dalkastaba ha joogaane.

Kulankan ayaa ahaa mid la sugayay inay labada dhinac yeeshaan, iyadoo qaar ka mid ah warbaahinta dalka Itoobiya ay qoreen in kulanka Madaxweynaha Jubbaland iyo Guddoomiyaha ONLF ay qaban qaabisay dowladda Kenya.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa maalmo ka hor gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo uu kulamo kula leeyahay Mas’uuliyiinta dowladda Kenya iyo wakiilada beesha caalamka ee fadhigooda yahay Nairobi.