Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay Madaxweyne kuxigeenka Koowaad iyo Labaad ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa mar kale u magacaabay xilalka Madaxweyne kuxigeenka Koowaad iyo Labaad Maxamuud Sayid Aadan iyo C/qaadir Xaaji Maxamed Luga Dheere oo horay u ahaa xilkaas.

Dastuurka Jubbaland ayaa dhigaya in Madaxweyne kuxigeenada koowaad iyo labaad uu soo magacaabayo Madaxweynaha Jubbaland, qeybna ka yihiin xubnaha Golaha Fulinta Jubbaland.

Halkan hoose ka akhriso wareegtada:-