Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray degmada Bardaale oo ay dhowaan ku dhufteen daadad soo rogmaday.

Wafdiga Madaxweynaha Koofurgalbeed ayaa waxaa ka mid ah Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan maamulka Koonfur Gabeed iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay degmada Bardaale ee gobolka Bay.

Booqashada Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa lagu sheegay in uu u kuurgalayo xaaladda bini’aadanimo ee ka jirta degmada Bardaale oo dhawaan ay daadad xoog leh ku rogmadeen iyo halka ay marayaan gurmadka loogu jiro samatabixinta dadka ay saameyeem daadadku.

Sidoo kale degmada Bardaale waxaa maanta la gaarsiinayaa labo diyaaradood oo gargaar sida, kuwaas oo ka baxaya Muqdisho, sida ay KNN u sheegeen guddiga gurmadka fatahaadaha dalka.