Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyada Garoowe wafdi uu hogaaminayo Safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya Mr. Staffan Tillander iyo ku-xigeenkiisa Johan Svensson.

Madaxweynaha Deni ayaa ugu horayn Safiirka kusoo dhaweeyey Puntland, waxa uu uga mahadceliyey doorkii dowladda Swedan ku lahayd dib u dhiska Soomaaliya iyo guud ahaan horumarada kala duwan ee ay dalka ka geysteen.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey mashaariicda horumarineed ee dowlada Sweden ka wadaan dalka iyo wadashaqaynta wanaagsan ee ka dhexaysa labada dhinac.

Dhinaca kale safiirka dalka Swedan ee Soomaaliya Mr. Staffan Tillander ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaan-shihiisa Puntland, waxa uu tilmaamay in ay sharaf u tahay markii ugu horeysey inuu la kulmo Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Safiirka ayaa xusay in Soomaaliya iyo dalkiisa uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan oo dhanka siyaasadda ah, isla mar ahaantaana uu rajaynayo in la sii xoojiyo.