Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni iyo wafdigii la socday ayaa maanta ka dhoofay magaalada Kismaayo, kaddib muddo todobaad ah oo ay ku sugnaayeen.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa ka qeyb galay xafladii caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland, iyagoo noqday diyaaraddii u horeysay ee toos uga soo baxa Garowe ee soo gaara Kismaayo, iyagoo aan soo marin Muqdisho.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa wafdiga Madaxweynaha Puntland ku sagootiyay garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaana ka qaaday diyaarad gaar aheyd oo toos u geyneysa Garowe.

Intii Madaxweynaha Puntland ku sugnaa magaalada Kismaayo iyo ka qeyb galkiisa caleema saarka Axmed Madoobe waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay wafuudii ku sugneyd Kismaayo, sidoo kale shirar wadatashi oo looga hadlay arrimaha siyaasadda ayuu qeyb ka ahaa.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa weli ka socda sagootinta wafuudii ka qeyb gashay xafladii caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland, iyadoo maalinta berri lagu wado in qeybtii u dambeysay ee wafuuda ka ambabaxaan magaalada.