Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay guddoomiyaasha gobolada Bari iyo Gardafuu.

Guddoomiyaha gobolka Bari ayaa loo magacaabay Cabdisamad Yuusuf Maxamed halka guddoomiyaha gobolka Gardafuu ayaa loo magacaabay Muuse Saalax Guuleed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu.

Guddoomiyaashan ayaa lagu magacaabay Xeer Madaxweyne Lr. 85 oo ku taariikheysan 21-ka Octoobar, 2019.

Wareegto ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa lagu sheegay in uu tixgeliyay Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Puntland isla markaana uu ku magacaabay guddoomiyaashan aqoontooda iyo Waaya-aragnimadooda shaqo.