Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Marwadiisa Zeynab Cabdi Macalin ayaa ka qeyb galay kulan soo dhoweyn ah oo uu sameeyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Kulankan soo dhoweynta ayaa ahaa mid guud oo Donald Trump u sameeyay Madaxda ka qeyb gashay Kulanka 74aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee ka furmay magaalada New York.

Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa shaacisay sawirka Madaxweyne Farmaajo iyo Xaaskiisa oo la sawiran Donald Trump iyo Xaaskiisa, sida lagu soo bandhigay barta Facebook ee Villa Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maalinta berri lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo Kulanka Qaramada Midoobey, taasoo noqoneysa tii u horeysay oo isagoo Madaxweyne ah uu fadhiga Golaha ka jeediyo, iyadoo labadii sano ee horeeyay ee xilka qabtay aanu ka qeyb galin Kulanka Qaramada Midoobey, balse baasaboorka Mareykanka ee uu bishii hore wareejiyay ayaa sabab u noqday inuu ka qeyb galo shirkaas, isagoo leh xasaanad Diblomaasi, maadaama haddii isagoo heysta Baasaboorka Mareykanka uu aadi lahaa maamuuskaas oo kale yeelan laheyn.