Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa galabta gaaray Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, halkaasoo berri uga qeyb galayo Shir-Madaxeedka 13-aad ee Caadiga ah ee ay yeelanayaan dalalka ku bahoobay IGAD.

Shirkan midkii ka horreeyay waxaa la qabtay 11 sano ka hor, wixii ka dambeeyay Ururku wuxuu ahaa mid kulamo aan caadi ahayn isugu yimaada.

Madaxda dalalka IGAD ayaa ka arrinsanaya qorshe cusub oo dib u habeyn loogu sameeynayo Urur Goboleedka IGAD, kaas oo ku saleysan in Ururku uu si siman uga turjumo dhammaan danaha dalalka ku bahoobay.

Sidoo kale, Madaxdu waxa ay ka wada hadli doonaan xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya dalalka Gobolka ee dhinacyada dhaqaalaha iyo nabad galyada, waxaa kaloo hoggaamiyeyaasha IGAD ay iska xog-wareysanayaan qorsheyaasha lagu guuleystay ee ku aaddan dadaallada lagu xasilinayo waddamada Gobolka, iyagoo warbixinno ka dhageysanaya Guddi Madaxeedyada u xilsaaran fulinta heshiisyadii hore iyo caqabadaha haatan jira.

Dowladd Federaalka Soomaaliya waxay la tagaysaa shirkan qorsheyaal lagu taabo gelin karo dib u habeynta IGAD si dalalka xubnaha ka ah ay siman uga faa’iideystaan, lagana dhigo Urur Goboleed ahmiyaddiisa koowaad ay tahay horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha dalalka Gobolka.