Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen”Cali Guudlaawe” ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle kadib markii uu dhowr toddobaad uu howlo shaqo ugu maqnaa deegaano ka mid ah Hirshabelle iyo magaalada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle ee maanta gaaray magaalada Jowhar ayaa waxaa kamid ah guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed, guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan,wasiirka arrimaha gudaha Hirshabelle  Maxamed Cali  Caadle iyo mas’uuliyiin kale.

Afhayeenka dowlad goboleedka Hirshabelle Daa’uud Xaaji Cirro oo kula hadlay xarunta madaxtoyada Hirshabelle saxafiyiinta ayaa sheegay in Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle mudadii uu ka maqnaa caasimada Hirshabelle uu mashaariic  kala duwan xariga ka jaray isla markaana qaar cusub dhagax dhigey.

“Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle waxa uu mashaariicyo laga hirgeliyay iyo kuwo cusuba dhagax dhigey degmooyinka Buuloburte, Cadale,Balcad,waxana uu goobjoog ka ahaa dhismaha golaha deegaanka  Warshiiq,”ayuu yiri afhayeenka Hirshabelle Daa’uud Xaaji Cirro.

Afhayeenka dowlad goboleedka Hirshabelle  ayaa sheegay in dhowaan kulamo dib u heshiisiin ah lagu qaban doono deegaanka Burdheere oo ka tirsan degmada Cadale halkaa oo uu Madaxweyne ku xigeenku soo booqday.

Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle ayaa waxaa garoonka  diyaaradaha magaalada Jowhar ku soo dhoweeyay mas’uuliyiinta maamulka degmada Jowhar,kan gobolka Sh/dhexe iyo xubno ka tirsan labada gole ee Maamul goboleedka Hirshabelle.