Madaxweyne ku xigeenka Maamul Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa xariga ka jaray isla markaana dhagax dhigey mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe.

Mashaariicda xariga laga jaray iyo kuwa la dhagax dhigey ayaa ayaa waxa ay gaarayaan illaa sagaal mashruuc oo kala duwan oo ay ka mid yihiin iskuul,garoon ciyaareed,kawaan,beerta nabada iyo qaar kale,waxaana soo dhoweeyey hirgelinta mashaariicda  shacabka ku nool degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe.

Munaasabada xariga looga jarayay Mashaariicda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Hishabelle Maxamed Cali Caadle,Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan,Guddoomiyaha degmada Cadale Muuse Maxamed Kali iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ka hadlay munaasabada xariga looga jarayay mashaariicdan ayaa sheegay inay farxad u tahay in dowlad goboleedka Hirshabelle uu ku talaabsaday in shacabkiisa uu gaarsiiyo hormar isagoo tusaale u soo qaatay mashaariicda waxtarka leh ee laga hirgeliyay isla markaana la qorsheynayo in laga hirgeliyo degmada Cadale.

“Waxaan ka codsanayaa Maamulka iyo Shacabka degmada inay ku dadaalaan sidii ay uga faa’ideysan lahaayeen mashaariicdan waxtarka u leh ee ay nasiibka u yeesheen.”ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen.

Guddoomiyaha degmada Cadale Muuse Maxamed Kali ayaa ugaga mahadceliyay Maamulka Hirshabelle hirgelinta mashaariicda cusub ee degmada ay yeelatay,waxana uu ka codsaday in Maamulka uu sii wado horumarinta degmada xeebta ku taal ee Cadale.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa dhowaan sidan oo kale xariga ugaga jaray mashaariic laga hirgeliyay degmooyinka Buulo Burte,Balcad iyo Warsheekh oo dhamaantood ka tirsan Maamul Goboleedka Hirshabelle.