Madasha ay ku mideysan yihiin Xisbiyada Siyaasadda ee dalka ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay ku dhawaaqaan Hoggaan Guud oo ay yeelato Madasha Xisbiyada siyaasadda ee mucaaradka ah.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Mucaaradka ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in Madasha Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda ay isku raaceen Hoggaan ay ku mideysan yihiin Madasha, iyadoo loo tanaasulay Madaxweynihi hore Shariif Sheekh Axmed oo noqon doona Hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran.

Kulamo iyo wadatashiyo maalmihii la soo dhaafay u socday Madasha Xisbiyada Siyaasadda ayaa soo gabagaboobay, waxaana inta badan xubnaha Xisbiyada ee ku mideysan Madasha isku raaceen in Sheekh Shariif hoggaamiyo Madasha.

Munaasabadda ku dhawaaqida Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa maalinta Axada ee soo socota lagu qabanayaa Muqdisho, iyadoo la diyaariyay astaanta Madasha ay yeelan doonto.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in markii u horeysay Xisbiyada Mucaaradka ku midoobaan hal xisbi iyo hal hoggaan, taasoo culeys ku noqon doonta dowladda Federaalka, iyadoo la filayo in dalku aado doorasho, inkastoo aanay weli cadeyn hannaanka doorashada.