Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in muddooyinka ay caado noqotay in Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka loo adeegsado siyaasad iyo caburin, isagoo ku eedeeyay inay mas’uul ka tahay tallaabooyin lagu hor-istaagay mas’uuliyiin hore iyo siyaasiyiin horay xilal u soo qabtay.

Mahad Salaad oo ka hadlayay kulankii shalay ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in dhowr jeer hore u dhacday dad siyaasiyiin ah oo garoonka lagu xanibay oo uu ku jiro Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha.

Waxaa uu dalbaday in arrintan si aanay berri u gaarin heer Guddoonka xataa garoonka lagu xanibo in loo yeero cida mas’uulka ka ah Hey’adda, gaar ahaan Taliyaha NISA, lalana xisaabtamo sid auu yiri

Halkan hoose ka daawo:-

Xil.Mahad Salaad"Nabad-sugiddii waa la siyaasadeeyey Taliyaha waa inaan la xisaabtannaa"

Xil.Mahad Salaad"Waayahaan waxaa caada iska noqotay in Hay'addii Nabad-sugidda la siyaasadeeyo oo dilal loo adeegsado,masuuliyiin kala duwan ayaa la weeraray meesha loosoo socdayna waxaa caddaatay in xildhibaanada ahayd barrina guddoonka isla sida lagu sameeyo"Isagoo sii hadlaya ayaa wuxuu yiri"Aniga waxay ila tahay Falkaan foolxumada ah ee gabadha xildhibaanadda ah loo geystay inuusan xisaab la'aan horteenna marin,waa in wax laga weydiiyaa oo halkaan uu yimaadaa Taliyaha Nabad-sugiddu,Sarkaal la adeejiyey iyo mid garoon jooga uma baahnin, Taliyaha Nabad-sugiddu masuuliyadda isagaa leh " https://youtu.be/XZo9XjYPLGw

Publiée par Dalsan TV sur Lundi 25 novembre 2019