Xildhibaan Mahad Salaad ayaa dhaliilay sida ay ku socoto shaqada loo igmaday Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo is weydiiyay waxa ay tahay shaqada saxda ah ee laga rabo Guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Hadal uu ka jeediyay fahdigii Xildhibanaada ee Arbacadii, ayuu sheegay in shaqada saxda ah ee Baarlamaanka ay tahay Sharci dajin, Isla Xisaabtan, Korjoogten iyo Matalaad, wuxuuse tilmaamay in aysan jirin Xildhibaano sidaas u og shaqadooda amaba u fushada.

Waxaa uu soo hadal qaaday saddex mooshin oo uu sheegay in laga keenay Xukuumada Ra’iisul Wasaare Kheyre, si loola xisaabtamo, kuwaasoo dhamaantood ay meel isaga tuureen Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay ineysan garaneynin sababta loola Xisaabtami la’yahay Wasiirada RW Khayre.

“Gudoomiyayaaloow idinka ruuxiina xantiina ayaantaan wey badan tahay, hadii la yiraahdo Wasiir Hebel haloo yeero, hadii la yiraahdo Ra’iisul Wasaaraha Su’aalo halaga keeno, hadii la yiraahdo madaxweynaha halala Xisabatamo inaa horta idinka marka hore soo boodiin oo Maxaa loogu yeeraa aad dhahdiin ayaa halkan idiin taala” ayuu yiri Xidlhibaan Mahad Salaad.

Xildhibaanka ayaa soo hadal qaaday sababaha ay u baaqdaan kulamada Baarlamaanka, wuxuuna ku micneeyay in aysan xiriir la laheyn maqnaanshaha Xildhibaanada, balse ay tahay iyadoo aan wax shaqo ah ka jirin gudaha hay’adda Sharci dejinta.

Ugu dambeyn Xildhibaan Mahad Salaad ayaa walaac ka muujiyay in Baarlamaankan uu noqdo midkii ugu liitay ee soo maray dalka, isagoo mas’uuliyadaasna dusha uga tuuray Guddoonka Baarlamaanka, waxaana uu talo ahaan ku siiyay in shaqo culus dalka laga qabto inta aan sanadka danbe lagu mashquulin arrimaha doorashooyinka soo socda.