Iyadoo muddooyinkan ay soo baxayeen hadal heyn iyo shaki badan oo la geliyay koox la magac baxday Xooggaga Waddaniyiinta oo dhowaan ay sameysay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxaana xooggan saameyn ku leeyihiin degmooyinka Gobolka Banaadir, isla markaana ka soo muuqday kulamo iyo munaasabado kala duwan.

Siyaasiyiin badan iyo Madax hore ayaa ka hadlay Xooggaga Waddaniyiinta iyo ujeedka loo aas aasay, waxaana qaarkood ay ku tilmaameen inay yihiin Koox gaar ah oo u carbisan guulwadeynta Madaxda iyo abaabulka, kicinta iyo ololaha.

Hase ahaatee Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ka mid ah Xildhibaanada mucaaradka ah ayaa sheegay in Xoogagga Waddaniyiinta ay leeyihiin garab hubeysan oo loo qeybiyay Bastoolado, laguna dhex daayay magaalada Muqdisho

“Xoogaga Wadaniyiinta Gobolka Banaadir ee Madaxweyne Farmaajo uu leeyahay gudaha dalka iyo dibedahaba waa lagu baahinayaa waxa ay leeyihiin garab hubaysan oo Bastoolado inta loo qaybiyay magaalada lagu sii dhex daayay”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Xildhibaanka oo sii hadlayay ayaa soo hadal qaaday dhacdo maalmo dhoweyd ka dhacday mid ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir oo uu booqanayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish, xilligaasoo Ciidamada ammaanka ay qabteen illaa 8 ruux oo bastoolado ku hubeysan.

“Maalin dhowayd degmo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir oo Gudoomiyaha Gobolka booqasho ku tagay waxa la ii sheegay meeshii bulshada uu kula kulmayay in lagu qabtay 8 dhalinyaradaas ka mid ah oo Bastoolado ku hubaysan, markii ciidamada amnigu qabteen kadibna inta la soo wacay loo sheegay in ay ka tirsan yihiin Xoogaga Wadaniyiinta laguna amray in ay si degdeg ah u sii daayaan!. Haddaba waxaa in la isweydiiyo mudan in maleeshiyaad hubaysan magaalada lagu sii dhex daayo micnaha ay dowladnimada u leedahay yaa noo sheegi kara”ayuu yiri.

Hadalka ka soo yeeray Xildhibaanka ayaa ku soo aadaya, xilli saacadihii la soo dhaafay uu baraha bulshada qabsaday muuqaal la soo dhigay oo ahaa munaasabadda aas aaska Xooggaga Waddaniyiinta oo sanadkii hore ka dhacday Muqdisho, iyadoo Madaxweyne Farmaajo ka sheegay aas aaska Xooggaga Waddaniyiinta ee lagu bilaabay Gobolka Banaadir, lana gaarsiin doono Gobolada dalka illaa Qurbaha.