Dowlada Maraykanka ayaa bilowday  dhexdhexaadinta khilaafka ka dhex taagan dalalka Masar,Sudan iyo Ethiopia taasoo la xiriirta biyo xireenka ay dowlada Ethiopia ka dhiseyso wabiga Nile.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wasiirada arrimaha dibadda dalalka Itoobiya, Masar iyo Suudaan u sheegay inuu xariga ka jari doono biyo xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile marka la dhameystiro.

Wasiirka Biyaha iyo Waraabka Itoobiya Sileshi Bekele ayaa sheegay in madaxweynaha uu hadalkan ka sheegay xilli Mareykanka uu dhexdhexaadinayay khilaafka ka dhashay qeybsiga biyaha webiga Nile.

Wasiirada Arrimaha Dibadda saddexda dal waxay isku waafaqeen inay wadahadalo kale ay ku yeeshaan dalka Mareykanka 15-ka bisha January ee sannadka soo socda si xal kama dambeys ah loo gaaro.

Bayaan si wadajir ah uga soo baxay saddexda dalka oo ay soo saartay waaxda maaliyadda Mareykanka ma aysan sheegin qorshaha Trump uu xarigga ka jari doono biyo xireenka.

Biyo xireeenka ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nile oo halbowle u ah nolosha dalka Masar ayaa waxaa uu ku kacaya 4 bilyan oo doolar, waxaana la filaya in la dhameystiro sannadka soo socda.

Dowlad Masar waxay aad ug walaacsan tahay in mashruuca uu fursad u siin doono Itoobiya inay maamusho biyaha webiga Nile.