Dowladda Soomaaliya iyo mashruuca horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) ayaa maanta bilaabay mashruuca la qabsiga cimilada oo gacan ka geysanaya in bulshada miyiga ku nool ay helaan biya ku filan.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ahna ku simaha Ra’iisul Wasaaraha, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo wakiilka UNDP ee Soomaaliya, Jocelyn Mason ayaa si wadajir ah u saxiixay mashruuca.

Mashruuca cusub oo afar sano ah waxaa hoggaaminaya xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaana dhaqan gelinaya wasaaradda tamarta iyo khayraadka biyaha. Mashruuca waxaa ku baxaya 10 malyuun oo doolar, oo $8.5 milyan oo kamid ah uu bixinayo sanduuqa hey’adda deegaanka adduunka, iyada oo 1.5 Milyan ee soo hartay uu bixinayo mashruuca horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP).

Laba ama shan sano kasta gudahood, Soomaaliya waxa ay wajahdaa dhibaatooyin ka dhashay isbedelka cimilada adduunka oo ay kamid yihiin fatahaado, duufaanno iyo abaaro, kuwaas oo qayb ka qaata barakaca bulshada, sarana u qaada tartanka loogu jiro biyaha iyo dhulka

Saameynta ka dhalatay isbedelka cimilada ee sii yareysay kheyraadka biyaha ee makii horaba cariiriga ahaa ayaa sababi kara inuu sii huriyo rabshadaha bulshada dhexdooda ah.
Xoola dhaqatada ayaa ugu nugul isbedelka ku yimaada cilimada sababta oo ah waxa ay xoolahoodu ku tiirsanyihiin oo ay quutaan cagaarka kusoo baxa roobka, badankoodna ma laha dhul daaqsimeed ay gaar u leeyihiin, waxaana aalaaba hareeya muran ka yimaada biyaha

“Waxa aan si xad dhaaf ah ugu faraxsanahay in aan arko billaabashada mashruucaan. in la helo biya nadiif ah waxa ay nolosha u badbaadineysaa si toos ah, sidoo kalana waxa ay si dhaw ula xariirtaa amniga cunnada, dakhliga, yareynta saboolnimada, nabadda iyo amniga.” ayuu yiri Wakiilka UNDP ee Soomaaliya, Jocelyn Mason.

Mashruuca oo si dhaw ula shaqeynaya bulshada ayaa siinaya tababarro la xariira maamulidda daadadka iyo ilaalinta biyaha.