Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa kormeer ku tagay qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir oo uu saameeyay roobab tan iyo shalay ka da’aya magaalada Muqdisho, taasoo hakad gelisay isu socodka dadka.

Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed C/llaahi Tuulax iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir Cumar C/risaaq Xuseen iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeeray degmooyinka Hodan, H/wadaag, Wadajir, Xamar Jajab iyo Dharkeenley.

Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo siyaasadda ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in kormeerkooda uu la xiriiro sidii ay u indha indheyn lahaayeen xaalada iyo saameynta ay yeesheen roobabka saacadihii u dambeeyay ka da’ay magaalada.

Waxaa uu sheegay in gurmad u fidinayaan dadka uu roobabka saameeyay, isla markaana ay jiraan dad dan yar ah oo saameyn ku yeeshay roobabka, oo gruyahooda ay ugu galeen biyaha.

Roobkii saacadihii la soo dhaafay ka da’ayay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu biyo dhigey wadooyinka qaar ee Muqdisho, kuwaas meelaha qaar uu xirmay ayna adkaatay isu socodka dadka iyo gaadiidka.