Maxkamada Ciidamada Qalbaka Sida ayaa digniin kulul u jeedisay saraakiisha ciidamada Milatariga Soomaaliya kadib markii dhowaan weerar lagu qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamo milatari ah ay Alshabaab ka qaateen hub faro badan.

Gudoomiyaha Maxkamadda darajadda 1-aad ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hadda kaddib lala xisaabtami doono saraakiisha iyo ciidamada lagu aamino hantida dowladda sida hubka iyo gadiidka.

Shuute oo safar ku tagay deegaankii labo maalin ka hor lagu laayay ciidamo ka tirsanaa xoogga dalka si garsoorku baaritaan ugu sameeyo dhacdadii lagu laayay ciidamada iyo cida sameysay dayacaadda ayaa sheegay in ay kormeer ku mari doonaan dhamaan xeryaha ay ciidamada dowladdu ku leeyihiin deegaanada gobolka Shabeellada Hoose.

Guddoomiye Shuute oo kolonyadii galbinaysay lala eegtay saaka qarax miino duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegay in taliye walba iyo askari kasta lala xisaabtami doono hubka iyo gaadiidka ay ku aamintay dowladdu, lana soo taagi doono maxkamad askarigii dayaca xoolaha qaranka.