Maxkamadda racfaanka Maamulka Somaliland ayaa diiday racfaan uu hore uga qaatay weriye CabdMaalik Muuse Coldoon oo hore maxkamada gobolka Hargeysa xukun ugu ridey.

Cabdimaalik oo saaka ka soo hormuuqday maxkamada racfaanka ayaa ayiday  xukunkii hore ee ay ridday Maxkamadda Gobolka kaas oo ahaa xukun 3 Sano iyo lix bilood ah.

Coldoon ayaa lagu eedeeyay in uu u gefay Madaxweynaha Somaliland iyo Iskuul lagu magacaabo Abaarso oo ku yaalla duleedka Hargeysa.

Wariye Coldoon xariggiisa ayuu Maamulka Somaliland kala kulmay dhaleeceyn badan,waxaana dhawaan is casilay Qareenkiisii oo sheegay in Somaliland aysan ahayn goob uu sharcigu sarreeyo.