Maxkamada sare ee Puntland ayaa diiday in ay dib u eegis ku samayso Kiiskii Caaisha Ilyaas Aadan kadib markii qareenadii difaacayay sadexda nin ee ku xukuman dilka ay codsadeen.

Xeer ilaaliye ku xigeenka dowladda Puntland Maxamed Xareed Faarax ayaa saxaaafada u sheegay in maxkamada sare ay sheegtay in dib u eegista la dalbaday aysan ahayn mid sharciga waafaqsan oo buuxisay sharuudihii loo baahnaa.

Shir jaraa’id oo uu maanta qabtay Xareed ayuu ku sheegay inuu dhaqan galay xukunkii dilka ahaa ee maxkamaduhu rideen islamarkaana lagu fulindoono dambiilayaasha, waxaana aabaha dhalay Caa’isha Ilyaas Aadan uu farta ka saaray go’aankii maxkamada kasoo baxay.

Sidoo kale Ilyaas Aadan oo saxaafada isagana si kooban ula hadlay ayaa soo dhoweeyay go’aanka maxkamada, wuxuuna sheegay inuu qisaasanayo ragga gabadhiisa dilay.

Maxkamada Sare ee Puntland ayaa amartay in si dhaqso ah loo fuliyo xukunka lagu riday saddexda ruux ee labo kamid ah ay walaalaha yihiin kuwaasoo maxkamadu dil ku xukuntay.