Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidanka Qalabka Sida ayaa saaka xukuno kala duwan ku riday eedeysanayaal loo heysto inay ku lug lahaayeen qarax bishii April ee sanadkan lagu dilay Guddoomiye kuxigeenkii degmada Maxaas Rashiid Cusmaan Cabdi.

Guddoomiyihii hore degmada Maxaas C/raxmaan Sheekh Cilmi Cawaale oo lagu soo eedeeyay inuu ku lug lahaa dilka Guddoomiye kuxigeenkiisa ayaa lagu xukumay xabsi daa’in.

Maxkamadda ayaa isagoo maqan waxay dil toogasho ku xukuntay Cali Axmed Guure (Qoyane) oo lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa dil toogasho lagu xukumay Nuur Ibraahim Mahad Alle oo isna Maxkamadda ku heshay inuu ahaa ninkii goobta keenay qaraxii uu ku dhintay Guddoomiye kuxigeenkii Maxaas.

Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday dhageysiga dacwadaas, waxaana ay noqotay mid ka mid ah dacwadihii ugu yaabka badnaa ee ay qaado, maadaama Maxkamadda la horkeenay Guddoomiye degmo oo ku lug yeeshay dilka Guddoomiye kuxigeenkiisa.