Guddoomiye kuxigeenka 1aad Baarlamaanka Puntland ayaa qabtay mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland C/xakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed).

Mooshinkan ayaa waxaa saxiixay illaa 44 Xildhibaan, waxaana qodobada lagu soo eedeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ka mid ah inuu ku tuntay qodobo ka mid ah dastuurka Puntland.

Qoraal ay ku saxiixan yihiin illaa 44 Xildhibaan ayaa waxay ku eedeeyeen in Guddoomiye Dhoobo Daareed inuu Baarlamaanka uga faa’ideystay sida uu jecel yahay iyo in uu jebiyay qodobka 59-aad ee Dastuurka Puntland oo sheegaya in ay wada-shaqeeyaan saddexda hay’adood ee dowladda si sharciga waafaqsan.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay Guddoomiyaha inuu lumiyay dhex dhexaadnimadii gudaha baarlamaanka, isla markaana uu sameeyay eex iyo xadgudub uu ku sameeyay Xildhibaanada aan la fikirka aheyn.

Mooshinkan laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa ku soo aaday, iyadoo xalay uu dagaal ka dhacay magaalad Garowe, kaasoo u dhaxeeyay Ciidamo ilaali ka hayay Xarunta Baarlamaanka iyo Ciidamo kale oo ka socday dhanka Madaxtooyada.