Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ka mid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa ka digey halis ku soo fool leh dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolada dhexe.

Odowaa oo shir jaraa’id oo Muqdisho ku qabtay ayaa waxaa uu ka dagay Ayax laga cabsi qabo inuu ka yimaado dhanka dalka Itoobiya, kadib markii ay iska sumeysay dowladda Itoobiya.

Musharax Cabdiraxmaan Odawaa ayaa dowladda federaalka, madaxweynaha Galmudug, hoggaanka Ahlu-Sunna, Musharaxiinta Galmudug iyo hey’adaha caalamka ee caawiya Soomaaliya waxa uu ka dalbaday in si deg-deg ah la iskaga kaashado sidii loo cirib tiri lahaa ayaxa ku habsaday dhulka miyiga ah oo dhameeyay daaqii ka dhashay roobka.

Halkan ka daawo musharax Odowaa oo ka hadlaya halista Ayaxa