Qaar kamid ah Musharrixiinta Madaxweynaha Galmudug ayaa ka soo horjeestey dhismaha Guddiga farsamada ee dhismaha Maamulka Galmudug ee dhaowaan la magacaabay.

Musharax Cabdiraxmaan Odowaa iyo Musharax Kamaal Guutaale ayaa sheegay in Guddiga dowladda Soomaaliya ay magacowday ay yihiin Shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.

Qoraal ay soo saareen musharaxiintan ayaa waxa ay sidoo kale ku sheegeen in wadatashi aan lagala yeelan dhismaha waxgaradka Galmudug.

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa sheegay in xubnaha Guddiga ay ku jiraan shaqsiyaad la shaqeynaayay Musharax Qoor Qoor oo ka mid ah Musharaxiinta Galmudug.