Allaha u naxarisitee waxaa xalay u geeriyooday dhaawacyo soo gaaray Nabaddoon sidoo kalena ahaa Garyaqaan Axmed Jaamac Maxamuud Qalyar.

Nabaddoonka ayaa 13kii Bishii September lagu dhaawacay magaalada Kismaayo,waxaana uu xalay u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Nabaddoonka oo ahaa qof aad u dhaliila Axmed Madoobe waxaana ehelada marxuumka ay ku eedeeyeen Axmed Madoobe inuu ka dambeeyay dhaawaca.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa hore loogu dilay Suldaan Dhurre iyadoo dilalka Suldaanka iyo nabadoonkaba aysan jirin cid sheegatay.