Wararka ka imanaya magaalada London ayaa sheegaya in ciidamada Booliska ay toogasho ku dileen nin ku hubeysnaa mindi oo tooreeyay illaa shan ruux oo marayay buundada London.

Ninka weerarka geystey ayaa xirnaa sun macmal ah oo kuwa dadka isqarxiya ay xirtaan,waxana Booliska magaalada London ay ku tilmaameen falkan inuu ahaa mid argagaxiso.

Qaar ka mid ah dadka lugeynayay Buundada London ayaa u suurtogashay inay legdaan  ninka mindida ku hubeysnaa kadibna waxaa halkaa gaaray booliska iyagoo toogtay ninka.

Booliska ayaa sheegay in uu diiday ninkan inuu is dhiibo balse ay u baqeen in uu dad kale waxyeeleeyo.

Ra’Iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa joojiyay olole uu ku dhex jirey waxana uu sheegay in sharciga la horkeeni doono dadkii mas’uulka ka ahaa weerarkan.

Magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska ayaa waxaa badanaa ka dhaca weerarada mindiyada loo adeegsado taasoo ay sababta inay waxyeelo ka soo gaarto dad aan waxba galabsan oo wadooyinka maraya.