Maamulka Puntland ayaa soo dhoweeyay dhaarinta Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland, kaddib markii xalay la shaaciyay Liiska xubnaha cusub ee Baarlamaanka Jubbaland.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu taageeray hannaanka ay wax u socdaan iyo in doorashada u dhacdo faragelin la’aan.

Sidoo kale wuxuu soo dhoweeyay in habka doorashada uu ku soo dhammaado sida loo qorsheeyay, waxaana uu ugu baaqay Shacabka iyo maamulkaba isku duubni, si looga gudbo marxalada haatan taagan.

Halkan hoose ka akhriso war saxaafadeedka:-