Qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug ayaa ka socda magaalada Dhuusamareeb, iyadoo Guddiga uu bilaabay diyaarinta shirweynaha oo la filayo in dhowaan uu furmo.

Sida ay sheegayaan wararka qaban qaabada shirweynaha ayaa haatan bilow ah, waxaana Guddiga ay sheegeen in la diyaariyay goobihii la dejin lahaa ergooyinka.

Shirweynahan ayaa loo qorsheeyay inuu furmo 17-ka bishan, iyadoo horay uu dib u dhac ku yimid shirka horaantii bishan.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana si wadajir ah amniga magaalada u sugaya Ciidamada Milateriga, Boolis iyo Nabadsugid.

Odayaasha iyo Waxgaradka Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaa waxaa ay ka dalbadeen Odayaasha Dhaqanka ee degmooyinka kale inay shirkaasi ka qeyb galaan, isla markaana uu muhiim u yahay danta dadka ku nool deegaannada Galmudug.

Hase ahaatee odayaasha dhaqanka beelaha qaar ayaa shirka diidan inay ka qeyb galaan, iyagoo saluugsan qaabka wax u socdaan, waxaana horay shirka u qaadacay Odayaasha dhaqanka Cadaado.