Qaramada Midoobey ayaa sheegtay mallaayiin doollar ku bixisay wax ka qabashada fatahaadaha iyo daadadka ku dhiftay qeybo ka mid ah Soomaaliya.

War ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in 18.7 milyan oo doolar lagu bixiyay xaaladaha fatahaadaha iyo daadadka, waxaana dhaqaalahaas lagu sheegay in sare loogu qaadayo howlaha gargaar fidinta iyo badbaadinta nolosha in ka badan nus milyan ruux oo ay saameeyeen Fatahaadaha.

Isku duwaha Arrimaha Bani’aadanimada ee Soomaaliya Adam Abdelmoula ayaa sheegaya in lacagaha laga helay sanduuqa waxqabadka degdega Qaramada Midoobey (CERF) iyo sanduuqa bani’aadanimada Soomaaliya ee SHF, waxaana uu xusay in lacagahaas gacan ka geysan doonaan yareynta waxyeelada daadadka iyo fatahaadaha soo noqnoqda.

Waxaa uu sheegay in dhaqaalahan uu ku soo aaday, xilligii loo baahnaa, si loogu caawiyo dadka aadka u nuqul, ee u baahan hooy, biyo nadiif, cunto iyo gargaar.

Ka sokow lacagaha ay sheeganeyso Qaramada Midoobey inay ku bixisay fatahaadaha, waxaa jira dhaqaale faraha badan iyo deeq kala duwan oo ka yimid dadka Soomaaliyeed, dowladda Federaalka iyo xubnaha Mucaaradka oo la gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen fatahaadaha iyo daadadka.