Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo warar kaa duwan uu ka soo baxayo qaraxan oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay agagaarka Kuliyadda Jaalle Siyaad, halkaasoo la sheegayo in kolonyo mareysay gaari qarax lagu weeraray.

Qiic iyo uuro oo cirka isku shareeray ayaa laga arkayay goobo fog fog, waxaana wararku intaa ku darayaan in qaraxa ahaa mid aad u xooggan oo magaalada laga maqlay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa lagu weeraray Kolonyo Ciidamo talyaani la socdeen oo ka mid ah Ciidamada Midowga Yurub ee tababara ciidanka Soomaaliya.

Sanadkii hore ayay aheyd markii sidan oo kale Kolonyo Ciidamada Talyaani la socdeen lagu weeraray meel aan sidaa uga fogeyn Kulyadda Jaalle Siyaad.

La soco wixii warar ee ku soo kordha.